Shirkii dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ee Amniga Soomaaliya oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa goor dhoweyd lasoo gabagabeeyay.
Shirka waxaa ka qeyb galay madaxda Dowladda Fedraalka ah, madaxda Maamul Goboleedyada, wakiilada Beesha caalamka iyo marti sharaf kale, waxaana shirka hore looga soo saaray war-murtiyeed amni, halka la filayo in war-murtiyeed guud laga soo saari doono.
Shirka ayaa waxaa khubado ka jeediyay oo soo xiray Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.