Waxaa magaalada Baydhaba ka socda qabanqaabo lagu soo dhoweynayo wufuud ka socota Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo shir uga furmi doono magaladaasi.
Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ka degaan Garoonka Shaatigaduud ee magaalada Baydhaba.
Shirka Baarlamaanka Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo khilaaf ka dhashay guddoonka labada aqal dib ugu dhacay ayaa la sheegay inuu maalinta gelinka danbe ka furmi doono magaalada Baydhaba, kadib markii la xaliyey khilaafkii labada aqal u dhaxeeyay.
Wararka ayaa sheegaya in shirku socon doono muddo saddex maalmood ah, iyadoo laga yaabo inuu maalin dib u dhaco, waxaana looga doodayaa xiriirka Baarlamaannada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada iyo qaabka ay isula shaqeyn lahaayeen.