Monday, June 23, 2025

Shirkii Dastuurka Muqdisho oo la soo xiray & Bilaabashada Dib u Eegista Dastuurka oo lagu dhawaaqay [Sawirro]

Shirkii Muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho ee dib u eegista Dastuurka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay, iyadoo lagu dhawaaqay inay bilaabaneyso dib u habeynta Dastuurka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna kusimaha madaxweynaha Maxamed Mursal Sheekh ayaa soo xiray shirka, isagoo shaaciyay in dib eegista dastuurka la soo gabagabeyn doono aakhirka Sanadkan.

“Waxaa naga go’an in la soo gabagabeeyo dib-u-eegista dastuurka sanadka 2018.” ayuu yiri Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in dhammaan xil ka saaran yahay sidii dalku u yeelan lahaa Dastuur rasmi ah.

Waxaa shirka ka hadlay wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Micheal Keating, Wasiirka Dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil, Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Gole Cabdi Xasan Cawaale iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday inuu shirka soo xiro, sida ku qoran ajendaha shirka ayaanay u suuragalin iyadoo uu weli ku sugan yahay dalka Qatar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON