Friday, June 27, 2025

Shirkii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada oo Dib u dhac ku yimid [Akhriso sababta]

Shirkii madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada Federaala ee uu Madaxweynaha Soomaaliya ku  baaqy in uu furmo 28-ka October ayaa dib u dhac ku yimid.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliya Cabdi Siciid Faarax (Juxaa) oo saxaafadda kula hadlay Garoonka Muqidsho ayaa sheegay in shirka uu dib ugu dhacay arrimo farsamo, basle uu furmi doono berrito 29-ka Oktoobar.

Wasiir Juxa ayaa sababta keentay dib u dhaca shirka ku sheegay Somaliya in maanta ay imaanayaan madaxda dowlad Goboledyada ka harsan dhiman, ee aysan u suuragelin inay Muqdisho soo gaaraan.

Waxaa xilligan Muqdisho ku sugan Madaxweynaha Koonfur Gabeed oo isgu shalay soo gaaray Muqdisho, iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), waxaana la sugayaa saddex madaxweyne maamul Goboleed oo kala ah Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle.

Madaxda ayaa u baahan  inay xal ka gaaraan furista shirka ka hore laba qodob oo la isku hayo oo ku saabsan qaabka furitaanka shirka iyo ajendayaasha looga hadlayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON