Shirkii Gaarka ahaa ee madasha Qaran oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta laga wareejiyay kadib markii is mari waaga iyo is naqdin ka dhex dhacday furitaankii shirka ee shalay.
Khudbad uu madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay furitaankii shirka ayaa waxaa ka daba qaatay madaxweynaha Puntland oo si cad u beeniyay hadal ka mid ahaa khudbadii madaxweynaha oo ahayd in lagu heshiiyay shirkii Kismaayo aqalka hoose ee Baarlamaanka in lagu qeybiyo qaabka 4.5, taasoo madaxweyne Gaas uu sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo lagu gaaray Kismaayo.
Shirka ayaa maanta ka socda Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee isla madaxtooyada ku dhex yaala, waxayna wararku sheegayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh Safar dibadeed isu diyaarinayo isagoo arrinta shirka u xil saaray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com