Shirkii toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo uu guddoomiyey Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed.
Shirka ayaa looga hadlay dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud, kasoo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in qeybtiisa hore lagu dhisayo 7 xarun dowladeed.
Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Maxamuud Xaamud oo saxaafadda uga warbixiyay arrimihii shirka Golaha Wasiirada looga hadlay, isagoo sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay bilaabeen bixinta hanti ay uga qeyb qaadanayaan Barnaamijka is-xilqaan, si looga maarmo kaalmo shisheeye.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in gacanta lagu hayo 2 Milyan oo dollar oo ay bixiyeen muwaadiniin Soomaaliyeed, taasoo laguna billaabayo dhismaha Madxafka oo toddobaadka soo socda dhismihiisa uu dhagax dhigi doono madaxwayne Farmaajo.