Tuesday, June 24, 2025

Shirkii Madasha Qaran ee madaxda Soomaalida oo ka furmay Muqdisho [Qodobada ugu adag miiska saaran]

Shirkii Madasha Qaran ee hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shirka si rasmi ah u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa shirka ka qey galaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo madaxweynayaasha maamulada Puntland, Galmudug, Jubaland, Koonfur Galbeed, waxaana looga doodi doonaan qaabka doorashada 2016 u dhici doonto.

Shirkan ayaa loo qoondeeyay inuu socdo muddo saddex maalmood ah. waxaase loo maleynayaa inuu waqti dheeraad ah qaato, Arrimaha hor yaala waxaa ugu waaweyn:

  1. Qaabka doorashada dalka 2016
  2. Qaabka xulitaanka Baarlamaanada Aqalada hoose iyo sare
  3. Doorka Maamul Goboleedyada
  4. Doorka Odayaasha Dhaqanka
  5. Awoodda maamulada ee soo xulitaanka xildhibaanada
  6. Iyo guddiyada doorashadooyinka

Shirka waxaa furitaankiisii madaxweynaha Soomaaliya uu ka sheegay in talo Soomaaliyeed looga gudbayo arrimaha haray ee farsamada ah.


DAAWO SAWIRRO

XASAN SHEEKH

MADASHA

Madasha-02

Madasha-2

Madasha-03

Madasha-04

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON