Monday, July 14, 2025

Shirkii Madasha Qaran oo Muqdisho ka furmay & Wejiyada ku cusub [Arrimaha horyaalla]

Shirkii ugu danbeeyay ee Madasha Qaran ayaa goor dhoweyd ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeb galayaan madaxda maamulada dalka, madaxda dowladda Federaalka iyo wakiilada Beesha caalamka oo dib uga soo biiri doona shirka, waxaa furay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qodobadda ugu culus ee hor yaalla waxaa ka mida:

  1. Gabagabeynta Doorashada 2016.
  2. Xalinta muranka Puntland ka keentay qoondada Somaliland ee Aqalka Sare
  3. Iyo Taariikhda Doorashada madaxda sare ee dowladda cusub.

Puntland ayaa dalbaneysa in xubnaha labo ilaa saddex xubnood oo cusub ay ku yeelato qoondada Somaliland ee Aqalka sare ee gaaraya 11 xubnood, taasoo ay diideen odayaasha iyo siyaasiyiinta Somaliland.

Shirka Madasha waxaa ku cusub oo markii ugu horeysay ka qeyb galaya madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiim Cumar Camey, waxaana wehliya guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo labaduna wada ololaha ku saabsan inay xubno ka helaan aqalka sare ee Somaliland.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON