Shir madaxeedkii 42-aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD oo ahaa shir aad caadi hayn ayaa caawa lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Shirkan ayaa looga hadlayey xiisadda ka dhex taagan dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya iyo colaadda ka taagan dalka Sudan, waxaana laga soo saaray warmurtiyeed lagu taageeray qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
War-murtiyeedka IGAD ayaa walaac looga muujiyay xaalka cakiran ee ka dhex taagan wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in xiisada la yareeyo oo wadahadal toos ah ay galaan labada dal.
“Waa in la dhowro dhammaan mabaadii’da asaasiga ah ee midnimada iyo xuduuda dhuleed ee dawladda federaalka Soomaaliya, iyo in hashiis kasto lagu dhawro madax banaanidaas. Sidaas oo kale heshiis kasta waa in loo helo ogolaanshaha dawladda Soomaaliya”, ayaa lagu yiri war-murtiyeedka IGAD.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Saalax Jaamac ayaa ka qeyb galy Shirka IGAD, waxaana si adag Soomaaliya u garab istaagay dalalka Mareykanka, Sacuudiga, Masar iyo Midowga Yurub, iyadoo ergeyga Imaaraadka uu ka gaabsaday.