Shirkii Madaxda Maamul Goboleedyada dalka ayaa goor dhow ka furmaya magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ka qeyb galayaan shanta madaxweyne ee maamul Goboleedyada dalka.
Shirkan oo laba maalmood dib u dhacay ayaa maana Duhurtii ka furmay Dhuusamaareeb, waxaana qodobadda looga hadlayo ka mida: Xaaladda Dalka, Dhammaanshaha muddo xileedka Dowladda Federaalka iyo khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada.
Madaxda Maamul Goboleedyad ayaa shirkan isugu yimid kadib khilaaf hareeyay shirkii Golaha Amniga Qaran ee madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada, waxaana rajo lag qabaa inay go’aan mideysan ka qaataan arrinta ugu culus ee Doorashada dalka.
