Kulan kale ayaa caawa dhex maray guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan dib u eegista heshiiska Madasha Qaran ee Doorashada 2016, iyadoo laga wadahadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan wax ka bedelka heshiiskaasi, iyadoo shirkaasina la isku mari waayay.
Guddiga ayaa heshiiska ku daray arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay in Gobolka Banaadir xubno ku yeesho Aqalka sare ee Baarlamaanka, taasoo madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay ka biyo diidanaayeen.
Kulanka oo saacado badan badan ayaa guddiga Baarlamaanka ku adkeystay inuu Baarlamaanka hor geynayo wax ka bedelka uu ku sameeyay heshiiska oo dhameytiran, loona codeyn doono, balse madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa doonayay inaan wax isbedel ah lagu sameyn heshiiska.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan kulan kale la yeeshay guddiga oo la isku mari waayay, waxaana kulanka caawa uu ahaa kii labaad isku daygii ugu danbeeyay ee madaxda dowladda Federaalka ay ku doonayaan inaan heshiiska isbedel lagu sameyn.
Guddiga Baarlamaanka ee dib u eegista heshiiska doorashada ayaa ku adkeystay wax ka bedelka ay ku sameeyeen heshiiska oo ay ku tilmaameen sixitaan khaladaad sharci ah oo ku jiray, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka geeyaan, kadibna loo codeeyo.
Goobjooge.com