Shirkii madaxweynayaasha dalalka Mareykanka Donald Trump iyo Waqooyiga Kuuriya
Kim Jong-Un ee magaalada Hanoi ee dalka Vietnam ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday kadib laba maalmood oo uu socday.
Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweyne Donald Trump iyo xoghayihiisa Arrimaha Dibada Mak Bambeo ayey ku sheegeen in Waqooyiga Kuuriya ay dalbatay in laga qaado cunaqabteynta oo dhan, iyadoo qeyb ka mida Niyukliyeerka xireysa, balse aan la wada fulin dalabyadii uu Mareykanku gudbiyey ee baabi’inta hubka Niyukliyeerka.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid jawi wanaagsan ku dhacay, basle aan heshiis lagu gaarin, mararka qaarkoodna ay tahay in shirarka laag baxo haddii mira dhal noqon waayeen, sidaasina ay ka dhacday oo heshiis lagu gaari waayey magaalada Hanoi.
