Waxaa maalintii labaad maanta galay Shir weynaha Culimada Soomaaliyeed oo shalay uu Muqdisho ka furay Madaxweynaha Soomaaliya, kaasoo looga hadlayo arrimo ku saabsan dagaalka Alshabaab iyo hoggaanka Diinta dalka.
Shirka manata ayaa looga doodayaa kaalinta culimada ee la-dagaallanka fikirka Khawaarijta, waxaana qodobadda culimada ka hadlayaan ka mida: Sharciyad ka qaadista Al-Shabaab: fahamka saxda ah ee Diinta Islaamka, Sharciyad-siinta Dawladda: xukunka Islaamka iyo Dowladnimada casriga ah iyo Dhisidda Golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed.
Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doneneysa in shirkan lagu dhiso Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed, kasoo nooqn oqon doona Hay’adda diinta u qaabilsan dowladda oo soo saarto go’aanada diiniga ah.
Madaxweyne Xasn Sheekh ayaa furitaanaii shirka ka sheegay in xilligan ay Diinta kor u qaadi doono, maadaama ay tahay waxa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ku mideysan yihiin.
