Monday, June 23, 2025

Shuruudihii Trump ku soo rogay dadka kasoo jeeda dalal ay Somaliya ka mid tahay oo dhaqan galay

Qeybo ka mida wareegtadii xayiraada madaxweynaha Mareykanka saaray dadka kasoo jeeda lix dal oo Soomaaliya ka mid tahay ayaa dhaqangalay Maanta.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa soo saaray shuruudo cusub oo looga baahan yahay dadka dal ku gal ka soo dalbanaya lix dal oo ay Muslimiintu ku badan yihiin iyo qaxootiga, waxaana looga baahan yahay in ay “qaraabo dhaw” ama xiriir ganacsi ku leeyihiin Maraykanka.

Shuruudahan saamaynaya dadka ka imaanaya Soomaaliya, Liibiya Suuriya, Suudaan iyo Yemen ayaa dhaqan galaya habeennimada Khamiista.

Ad

Waxaa la soo saaray kadib markii maxkamadda sare ay qayb ahaan soo celisay xayiraaddii socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump. Xayiraaddaas socdaalka oo marun baday dhalisay waxaa markii hore hor istaagay maxkamado hoose.

Sida uu dhigayo sharcigan cusub 90-ka maalmood ee soo socda looma ogolaan doono in ay dalka Maraykanka soo galaan dadka aysan qaraabo dhow ka joogin. Qaraabo dhow waxaa lagu qeexay, waalid, xaas, carruur, wiilka iyo gabadha sodoh ama sodog loo yahay iyo walaalo.

Qaraabada dhow waxaa laga reebay ayeeyada iyo awowga, eedooyinka, habar-yaraha, adeerrada iyo abtiyaasha, gabdhaha iyo wiilasha ilo adeerka ah, xididka, qaraabada kale iyo carruurta ay carruurtaadu dhaleen.

- Advertisement -

Waxaa mamnuucitaanka laga reebay dadka dadka xiriir ganacsi ama mid waxbarasho la leh dalka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee shuruudahan cusub waxay si gaar ah u xusayaan in xiriirku uu noqdo mid la ogyahay oo caddayn loo hayo si caadi ahna ku yimid oo aan lagaga lagaga xeeladaysanaynin sharcigan cusub.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON