Sunday, June 22, 2025

Siciid Deni: “Xamar Amni kama jiro, Nadaafad kama jirto, lagumana eedeyn karo Farmaajo kaliya…”

Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa khudbad goor dhoweyd ka jeediyey shir soo dhoweyn ah oo beelaha Muqdisho ugu sameeyaan caasimadda.

Isagoo goobta ka hadlay ayuu sheegay in farriimaha ugu muhiimsan ee shirka ay tahay Doorashada, isla markaana in 4-tii sano ay mar doorasho dhacdo ayna tahay udub dhexaadka xasiloonida siyaasadeed ee dalka, wuxuuna caddeeyay in farriin uu ku filan yahay shirka maanta.

“Shirka Dhuusmaareeb anigaa furnay, welina waa noo furan yahay, haddii cid laabtay ay jirto annaga waa noo furan yahay.. Wax badan ayaa sheegnay in Doorashadu waqtigeeda ku dhacdo, Doorashaduna noqoto mid la isla ogol yahay…” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo sheegay in welwelka jira u yahay in dib loo dhaco.

Ad

Isagoo farriin u diray Farmaajo ayuu yiri: “Ceeb maaha cidda xilka heysa inay doonto inay dib u soo laabato, mana xuma inay ka shaqeyso sidii ay kusoo laaban lahayd, laakiin waa Hannaanka-ka Doorashada in loo sinnaado”.

Mar uu ka hadlay xaaladda Xamar ayuu sheegay caasimadda iyo maqaamkeeda aan kaliya laga rabin Farmaajo “..Madaxdii hore xilka usoo qabatay waa soo joogtay caasimadda, waa in la is kaashado.. Xamar Amni ma jiro, nadaafad ma jirto waa in sida ay tahay wax laga bedelo sidii ay caasimad ku noqon lahayd..” ayuu yiri Axmed Madaxweyne Deni.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON