Monday, June 23, 2025

Sidee Afhayeenka Alshabaab u difaacday Odayaashii Saleebaan ee Heshiiska la galay?

Alshabaab ayaa taageero u muujisay Odayaasha Beesha Saleebaan ee heshiiska la galay, iyagoo si kulul u cambaareeyay xariga ay kula kaceen maamulka Galmudug iyo dowladada Federalaka.

Afhayeenka Alshabaab Cali Maxamuud Raage oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan heshiiska ay la galeen odayaasha Beesha reer Xaaji Saleebaan oo uu sheegay inay Beeshaasi ka baxday dagaalkii kloo adeegsanayey ee ay kula jireen Alshabaab, ayna dhinacooda fulin doonaan heshiiska.

Sheekh Cali Dheere ayaa difaacay tallaabada ay qaadeen Odayaasha Beesha Saleebaan, wuxuuna sheegay in lagu soo duulay odayaasha iyadoo loola dhaqmay si fool xun, sharaftoodiina meel looga dhacay, laguna ihaaneeyay in Gawaari Cabdi Bille ah dusha lag saaray, iyagoo indhaha ka xiran.

Ad

Afhayeenka ayaa baaq u diray odayaasha Saleebaan, isagoo u sheegay inay ku sabraan dhibaatada loo geystay, kaliyana loo heysto inay dadkooda nabad usoo qadeen, kana rajeyayaan inay beesha kale.

Afar ka mida Odayaasha Beeshan ayey xiren ciidamada Galmudug, kadib markii ay shir jaraa’id ku qabteen magaalada Cadaado, ayna ka hadleen heshiiska ay la galeen Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON