Alshabaab ayaa sheegtay dilka guddoomiyihii Maxkamadda degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, maamulka Koonufr Galbeed ee Soomaaliya.
Weerarkan oo ahaa mid ay soo qorsheeyeen Alshabaab ayaa xalay ka dhacay gudaha degmada Buurhakabo, waxayna Gurigiisa kala baxeen, iyadoon la ogaan oo afduubteen, kadibna si gowrac ah ku dileen Gudoomiyihii Maxkamada Buurhakaba Manuur Sheekh Yuusuf.
Guddoomiye Manuur Sheekh Yuusuf ayaa maanta meydkiisa laga helay duleedka magaalada Buurhakaba, halkaasoo laga soo qaaday, arrintaas oo si weyn ay dadka magaaladaasi uga naxeen.
Falkan ayaa ah mid ku cusub degaankaasi oo Alshabaab ka fuliyaan, waxaana maamulka degmada ay shegeene inay wadaan baaritaan ku saabsan ciddii ka danbeysay falkan oo weli aan cidna loo qaban.
