Loolankii adkaa ee Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu kala baxay.
Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ku guuleystay loolan adag oo uu la galay C/raxmaan Maxamed Maxamuud(Faroole) markii uu helay 6 cod oo ka mida 10-ka cod ee guddigan.
C/raxmaan Faroole oo si weyn loogu saadaalinayay xilkan ayaa ku fashimay inuu loo doorto guddoomiyaha Guddigan oo loo arko mid muhiim ah oo isha lagu wada hayay.
Guuldarrada Faroole ayaa daba joogta doorashadii guddoomiye ku xigeenka koowaad Golaha sare oo siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda ay ku soo bixi waayeen, kadibna ay isugu soo hareen laba musharax oo kasoo jeeda Galmudug.
Xogta laga helayo Guddigan ayaa sheegaya in fashilka Faroole ay saldhig u ahayd olole ka dhab ah Faroole oo guddiga dhexdiisa ay ka sameeyeen madaxda Aqalka sare.
XUBNAHA GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA WAXAY KALA YIHIIN:
- Sen. C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
- Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid
- Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
- Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan
- Sen. Iftiin Xasan Imaan.
- Cismaan Xaaji Cali
- Maxamed Cabdillahi Kaamil
- C/Rashiid Maxamed Xasan
- Burhaan Aadan Cumar
- Axmed Abdul Ruush
Goobjooge