Iyadoo dunida oo dhan la hardameyso cudurkii ugu xumaa oo saf mar ah muddo 100 sano ah soo mara, ayaa dowladda Soomaaliya waxay ku dhawaaqday inay 5 Milyan oo Doolar u qoondeysay la-tacaalidda cudurka COVID-19 ee uu keeno Coronavirus.
Burburka Soomaaliya ka dhacay iyo dowladda tabarta yar ee ka jirta darteed ayey Soomaaliya ka mid tahay dalalka sida weyn ugu nugul xaalad kasta oo ka dhalata cudurkan, waxaana aad u hooseeya adeegyada caafimaad ee dalka ka jira.
Diyaargarowga dowladda Soomaaliya gashay ayaa ah mid kooban marka loo eego dalalka deriska ah, waxaana si gaabis ah ku socda qaababka looga hortagayo cudurka Covid-19 ama lagula tacaalayo dadka laga helay gudaha Soomaaliya oo hadda gaaray 7 qof.
Agaasimaha Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka tirsan Guddiga ka hortagga Coronavirus C/risaaq Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhan ay heysato 25 sariirood oo xaaladda degdegga ah lagula tacaali karo, ayn diyaariyeen 110 sariirood oo karaantiil ah iyo 100 Sariir oo bukaanadda cudurka lagu daweyn karo, waxaana la diyaariyey isbitaalka Martini,. taasoo muujineysa inaysan Somalia wax awood ah u lahayn la-tacaalidda cudurkan.
Baaritaanka cudurka ayaa loo qaadaa dalka Kenya, halkaasoo lagu soo xaqiijiyo jiritaaka dadka qaba cudurka, iyadoo ay muddo qaadato. Hay’adda caafimaadka adduunka WHO ayaa tababartay shaqaale caafimaad oo gaaraya 500 qof ilaa bishii Janaayo sida uu sheegay madaxa WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik.
Waxay kaloo WHO Soomaaliya keentay qalabka shaqaalaha caafimaada xirtaan oo ay kula tacaali karaan 300 ilaa 400 kiis. Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa Ganacsadaha Shiinaha ee Jack Ma ka heshay deeq qalab caafimaad oo loo qeybiyey maamul Gobooleedyada iyo G/Banaadir.
Cabsida ugu weyn ee dhaqaatiirta caafimaadka qabaan ayaa ah haddii uu Coronavirus bilaabo inuu ku fido gudaha dalka inaysan jirin qaab lagula tacaalo, haba ugu darnaato Qalabka xaaladda degdegga ah oo dalka aad ugu yar iyo sheybaar casri ah oo aanu dalku lahayn.
Waxaan muuqan diyaargarow weyn oo dowladdu ku jirto, iyadoo la sugayo taageero dibadeed oo waqti qaadan doonto xilli dalalkii ugu waaweynaa caalamka ay ku mashquulsan yihiin sidii ay dadkooda cudurku soo ritay ugu heli lahaayeen Mishiinadda lagu neefsado, Qalabka dhaqaatiirtu xirtaan iyo Weji-xirka.
Dowladda Soomaaliya oo soo rogtay amarro lagu xadidayo dhaqdhaqaaqa dadka, laguna joojiyey waxbarashadii Jaamacadaha, Iskuuladda iyo Dugsiyada, shaqada dowladda qaarkeed ayaa dhinac kale waxaa si caadi ah u socda nolol maalmeedkii dadka, iyadoo suuqyada ay camiran yihiin.