Monday, July 14, 2025

Sidee ku furmay fadhigii ugu horeeyay Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaamka Federaalka..?

Kulankii koowaad ee kalfadhiga 6aad ee xildhibaannada Baarlamaank Baarlamaanka ayaa ku furmay kooram gaaraya 152 xildhibaan.

Xildhibaannada oo maanta ku shiraya xarun cusub oo Villa Hargeysa looga diyaariyey oo muuqaal fiican leh ayaa waxaa ka dhex muuqday wasiirada xildhibaannada ah ee ka tiran xukuumadda Soomaaliya, waxaana lagu bilaabay khudbad uu jeedinayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa ajendaha maanta lasoo bandhigay uu yahay: Akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka & midka dabiiciga, ajendahan oo xildhibaano badan ay ka biyo diideen isla markaana sheegeen inuusan la socon karin xaaladda dalku marayo.

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa Golaha ka hor akhriyey heshiiska iaalinta hiddo dhaqameedka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON