Waxaa bilowday baaritaan la sheegay in lagu asmeynayo xasuuqii degaanka Gololley ee degmada Balcad loogu geystay 8 qof oo 7 ka mida ay ahaayen shaqaale caafimaad oo ka howlgalayey MCH-ka degaankaasi.
Guddi uu magacaabay Madaxweynaha Hishabeelle ayaa si kala gaara u tegay degmada Balcad, waxaana ka mid ahaa Guddoomiyaha Gobolka SH/Dhexe iyo Wasiirka Amniga Hirshabeelle, waxaa kaloo si gaara u tegay xildhibaan C/qaadir Carrabow oo degaanka kasoo jeeda, iyadoo dhinac kale ay baaritaanka ay qeyb ka ahaayeen saraakiisha ciidamada Milateriga Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta iyo sarakiisha ciidamada dowladda Federaalka ee tegay degaanka Gololleey ayaa la kulmay dadka degaanka oo ay ka wareysteen sida wax u dhaceen, iyadoo aan jirin Guddi ay magacawday dowladda Federaalka, inkastoo ay baaritaanka ku biireen saraakiil ka socota Xarunta CID-da Booliska ee Muqdisho.
Lama oga sida baaritaan xaqiiqo ah lagu gaari karo iyadoo saraakiishii dowladda ee lagu eedeeyay ciidamada dowaldda ay baaritaanka qeyb ka yihiin, isla markaana baaritaanka xasuuqii Gololley aanu ahayn heer Federaal, waxaana shakigaas maanta caddeeyay Senator Muuse Suudi oo sheegay inaysan waxba kasoo baxeynin, laguna kalsoonaan karin baaritaanka dowladda Soomaaliya. (Akhriso Warkan)
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo caaw shir jaraa’id ku qabtay xarunta taliska qaybta 21aad Degmada Cadaado ayaa beeniyey in ciidamada dowladda ay ku lug lahaayeen xasuuqii degaanka Gololleey.
Qaabka uu ku bilowday baaritaanka xasuuqii Gololleey ayaa ah mid isku qasan oo aan hoggaan lahayn, isla markaana ay ku wada jiraan dhinacyo kala duwan oo aan hal meel ka wada socon oo qaarkood hore u beeniyeen waxa ay baarayaan.


