Sunday, June 22, 2025

Sidee loo doortay Axmed Madoobe May, 2013..? (Warbixin Xiiso leh oo ku saabsan Sharcinimada hogaamiyaha Jubba)

XUSUUSO HADDAAD XIS LEEDAHAY

Iyadoo markii saddexaad 6 sano kadib maanta (22 Ogost 2019) la fialyo in Kismaayo lagu qabto doorasho muran badan iyo khilaaf hareeyay oo uu hormuud ka yahay, lana filayo inuu ku soo baxo Axmed Madoobe ayaan dib u eegeynaa sida ay u dhacday Doorashadii ugu horeysay ee hoggaamiyihii kooxda Raaskaambooni xilka uu hadda mar kale u socdo ku qabtay.

Doorashadii labaad waxay dhacday 15-kii Ogost 2015, iyadoo la mid ahyad tii ka horeysay isla markaana sharcinimadeeda shaki la geliyey.

Haddana waxaan dib u milicsaneysaa sida hogaamiyihii hore kooxda Raaskaambooni Axmed Madoobe sida uu xilkan uu hadda hayo ku yimid, iyo sidii ay wax u dhaceen maalintii doorashada dhacday  ee 15 May 2013 ee ugu horeysay.

Ad
Ax-doorasho
Axmed Madoobe oo la dhaarinayo 15 May 2013
  • Maalintii la shaaciyay in la doortay Axmed Madoobe waxay wax waliba u dhaceen si qarsoodi ah
  • Waxaa la sheegay in musharixiintii la tartamayay Axmed Madoobe ay tanaasuleen
  • Waxaa la sheegay in ergadii oo dhan u wada codeysay Axmed Madoobe

Inta waxaasi oo dhan dhacayeen waxaa barbar socday ergo garoonka lagu xiray, kuwo la celiyay iyo dowladda Federaalka oo gebi ahaanba wixii ka dhacay Kismaayo ku tilmaantay sharci darro. Barre Hiiraale oo markaa ku sugnaa Kismaayo ayaa isna ku dhawaaqay in madaxweyne loo doortay.

Ax-doorasho1
Ergadii la sheegay inay dooratay Axmed Madoobe

Sdiee ku dhacday doorashadii axmed Madoobe 15-ka May 2013, waxaad ka fahmi kartaa xaaladii markaas taagneyd Wareysi BBC-da Laanta Af-Soomaaliga isla maalintaas la yeelatay Axmed Madoobe, waxaa wareysiga qaaday weriye C/raxmaan Koronto la yeeshay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

- Advertisement -

Warkii BBC-da ka qortay doorashada Axmed Madoobe hoos ka akhri

Waxaa jira warar iska hor imanaya oo ku saabsan doorasho madaxtinimo oo la sheegay inay maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, iyadoo sida muuqata labo kooxood oo loollamaya ay mid waliba sheeganayso inay madaxweyne doorteen. Shirka muddada ka socday Kismaayo, ayaa ergooyinkii ka qaybgalay la sheegay in ay madaxwayne u doorteen Sheekh Axmed Maxamed Islaam (axmed Madoobe), inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ergooyinkii matalayay qabaa’ilka qaar ay horay u qaadaceen shirka...”

Waxaa is-weydiin leh waqtiga Axmed Madoobe inta uu ku eg yahay?

Muran iyo dagaal dheer kadib waxaa heshiis dhex maray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Axmed Madoobe oo ka dhacay magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, heshiiskan waxaa la saxiixay 28-kii August 2013, waxaana la yaab leh in Axmed Madoobe uu hadda ku joogo ama madaxweyne ku yahay heshiiskii Addis ababa. Waxaa kaloo la yaab leh in Axmed Madoobe aanu waxba dhinaciisa ka fulin qodobadii heshiiska Addis Ababa.

- Advertisement -
heshiis_Jubba

HALKAN KA AKHRISO HESHIISKII ADDIS ABABA

Arrimaha Jubbooyinka ee cakiran ayaa u muuqda inay in muddo ah sidan sii ahaan doonaan, iyadoo dowladaha deriska ah ay lug weyn ku leeyihiin xaaladda Soomaaliya iyo federaaleynta qabiilka ku dhisan ee ka socdo Jamhuuriyadii Soomaaliya.

Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON