Qaabka awood qeybsiga Soomaalida iyo beelaha ay ka kooban tahay ayaa ah mid iyadoo aan la qorin heshiis lagu yahay, laakiin marark qaarkood dhibaato ka timaado.
Aqalka sare waa hay’ad siyaasadeed ku cusub dalka, waxaana isla markii la sameeyay soo baxday dood ku saabsan qaabka loo qeybsanayo saddex xil ee guddoonka Baarlamaankaasi, waxaana durba bilowday inuu shaqeeyo heshiiskii qarsoonaa ee 4.5 salkiisu yahay.
Guddoonka Aqalka cusub ee Sare, waxaa loo daayay iminka beesha Dirta Waqooyi ama ISAAQ inay guddoomiye u noqdaan, maadaama ay ka mid yihiin beelaha 4 ta waaweyn la magac baxay ee aan xil sare oo fulin ama sharci dejin heynin, oo haddana aan fileynin inay madaxweyne ama Ra’iisal wasaare noqdaan.
Sidaasi waxaa ku soo haray labada guddoomiye ku xigeen oo hadda u furan inay ku tartamaan beelaha Hawiye iyo Daarood oo ugu dhow iyo beelaha kale, waxaana muuqata inay ku tartami doonaan labada beelood ee dhinaca kale isku heysta jagooyinka Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
Isbedel la’aanta xilalka waaweyn iyo qaabka awood qeybsiga beelaha ku dhisan waxaa loo aaneynayaa inuu ka yimid iyadoo aanay jirin xisbiyo siyaasadeed, isla markaana qaabka kaliya ee wax loo qeybsado ay tahay qabiilka, waxayna dad badan shaki ka qabaan in marka la sameeyo xisbiyada ay ku dhaqmaan nidaamka awood qeybsiga beelaha.
Goobjooge.com