Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa Galabta ka degay magaalada Doha ee dalka Qatar.
Wafdiga Madaxweynaha Somalia waxaa Garoonka caalamiga ah ee Hamad International Airport ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayey wasiirka Isgaarsiinta dalka Qatar, safiirka dalka Qatar u fadhiya Somaliya iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar.
Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayey sheegtay wakaalada wararka ee Qatar inuu yahay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo 2 maalmood ah, iyadoo madaxtooyada Soomaaliya ay maanta ka hadashay socdaalka Madaxweynaha.
Diyaarad gaar ah oo dowladda Qatar ay u soo dirtay ayaa maanta magaalada Muqdisho ka qaaday madaxweyne Farmaajo oo socdaalkii shanaad ku jooga bishan gudaheeda dalka Qatar.




