Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa caawa gaaray magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda.
Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir berri ka furmaya magaalada Kampala oo looga hadlayo isku xirka iyo horumarka Africa “Africa Now”, isagoo ka mida madax kooban oo afrikaan ah oo shirkaasi ka qeyb galaya.
Waa safarkii saddexaad ee bishan gudaheed oo madaxweyne Farmaajo ku tago dalalka dibadda, wuxuuna hore u booqday dalalka Itoobiya iyo Kenya.





Warar Xul ah