Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaca ‘Somalia’ u adeegsaday dhageysiga dacwadda lagu soo oogay ee Mooshinka la doonayo in xilka looga qaado, kadib markii uu qoraal ku weerraray safiiradii Mareykanka ee dalka Ukraine oo markhaati ahaan uga hadleysay Koongareeska Mareykanka.
Intii ay socotay su’aalo weydiinta haweeneydii danjiraha ka ahayd Ukraine ee madaxweyne Trump uu xilka ka qaaday Marie Yovanovitch ayuu Trump qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka, isagoo ku yiri” “Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay, waxay ka bilowday Somalia, sidee ayay taasi noqotay?”
Qoraalka Madaxweyne Trum ayaa waxaa goobta Mooshinka ee Koongareeska ka akhriyey Guddoomiyaha Guddiga wada Mooshinka Adam Smith oo weydiiyey safiirada sida ay u aragto , waxayna Marie Yovanovitch ku jawaabtay: “Uma maleynayo inaan leeyahay awood noocaas ah, kuma lihi Mogadishu iyo Somalia iyo meel kaleba.
Waxay hadalkeeda sii raacisay inay u aragto hanjabaad iyo cabsi gelin uu madaxweyne Trump ku sameynayo iyada “Waxaan run ahaantii u maleynayaa in meelaha aan ka soo shaqeeyay sanadaha badan aniga iyo dadka kaleba ay ka dhigeen meel walaagsan, waad ogtahay, gudaha Mareykanka iyo sidoo kale dalalka kale ee aan ka soo shaqeeyay..”
Madaxweyne Trum ayaa Magaca Soomaaliya marar badan adeegsaday si uu ugu weerarro haweeneyda kasoo jeeda Somaaliya ee ka mida Koongareeska Mareykanka Ilhan Omar, laakiin hadda wuxuu soo dhex geliyay mooshinka laga wado oo hadda galay dhageysi si toos ah oo baahinayo oo ay markhaati ka furayaan mas’uuliyiin kala duwan.