C/raxmaan Aadan Ibraahim (Ibbi) ayaa mar kale ku soo baxay xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Prof. Ibbi ayaa la sheegay inuu kursiga beeshiisa ee Dir/Gaadsan ku helay kadib markii uu isagu soo qortay ergada dooraneysa, wuxuuna sidoo kale sameysay musharixiintii la tartami lahaa oo midkood la waayay markii doorashada la qaban lahaa midkii kalena uu tanaasulay Jaamac Taqal oo ahaa malxiiskii doorashada ee Prof. Ibbi intii aad codka la qaadin.
Doorashada oo ka dhacday magaalada Baydahaba ayaa waxaa la yaab lahayd in ergada ay codeeyeen iyagoo hal musharax oo kaliya u codeynaya kursiga oo aan wax tartan ahi ka dhciin, sidaasina waxaa kursiga Beesha Gaadsan weli iska heysta C/raxmaan Ibbi.
Arrintan waxayka dhigan tahay in C/raxmaan Ibbi uu kursigan heysto muddo 20 sano ah isagoo markii ugu horeysay kasoo galay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, kana mid ahaa xildhibaanadii dowladii Carte ee C/qaasim hogaamin jiray 2001-2020.
Goobjooge.com