Wednesday, June 25, 2025

Sidee Muqdisho looga xusay Maalinta Qaranka Itoobiya -Gimbot-? [DAAWO YAABKA]

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu xusay 25 sano guuradii kasoo wareegtay markii xisbiga EPRDF ee talada dalka Ethiopia haya uu ka tuuray xukunkii  Mingiste Haile Mariam, taladii dalkana la wareegeen jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF ayaa Sabtii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan Safaarada Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb galay munaasabadaasi ayaa hambalyo u diray dowladda Itoobiya iyo shacabkeeda, isagoo sheegay in maanta oo kale ay tahay maalin ku weyn shacab weynaha Itoobiya iyo guud ahaan wadamada gobolka.
Cumar C/rashiid ayaa dowladda Itoobiya ugu mahad celiyay taageerada ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed u fidiyeen, isagoo mahdiyay dowladda Itoobiya cusub ee talada dalka kala wareegtay Haile Mariam.

Madaxda ka socotay maamulada dalka ayaa sidoo kale ka qeybgalay, safiirada dalalka caalamka ee ku sugan Muqdisho iyo siyaasiyiin kale.

28-ka May sanad walba ayaa dhulka ismaamulka qowmiyadaha kala duwan iyo guud ahaan Itoobiya looga aqoonsan yahay maalinta qaranka Itoobiya, xiligaasi oo ku beegan 28-kii May 1991-kii, bila tirsiga Itoobiyana uu ahaa 20-kii Ginbot 1983-kii markii jabhaddii Dimoqraadiga Kacaanka dadka Itoobiya ee EPRDF oo markaasi ay si rasmi ah ula wareegeen talada xukunka Itoobiya ee uu hoggaaminayay Meles Zenawi.

 

DAAWO VIDEO

https://youtu.be/jOzL-cFWGQo

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON