Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in ugu danbeyn sidii la filayay ay Puntland aqbashay nidaamka 4.5 in lagu dhiso Baarlamaanka dowladda cusub ee Soomaaliya kadib wadahadal muddo laba toddobaad ah qaatay oo dhex maray wafdigii Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Puntland.
Wadahadalka oo waqti dheer qaatay ayaa waxaa ku biiray wafdi Turki ah oo ay hogaaminayaan danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya Cemalettin Kani Torun iyo safiirka Turkiga ee xilligan Olga Bekar, waxaana Puntland Cadaadis lagu saaray inay u hogaansato qaabka doorashada 2016 ee dowladda federaalka iyo beesha caalamka isla qaateeen.
Heshiiska Puntland ku aqbashay 4.5-ka ayaa lagu wadaa inuu dhowaan ka dhaco magaalada Garowe, iyadoo ay magaaladaasi tegi doonaan wufuud ka socota beesha caalamka oo goobjoog ka noqon doona heshiiskaasi.
Qodobada Puntland looga tanaasulay ee loo ogolaaday waxaa ka mida: Dig u eegista Dastuurka KMG ah oo ay dooneyso inay awood ku yeelato, baabi’inta Guddiyada heer Qaran ee Dastuurka iyo xuduudaha iyo helitaanka kala bar deeqaha beesha caalamka ugu talogashay Soomaaliya.
Arrimahan oo fulintooda ay hadda iska sahlan tahay, ayaa ujeedka ugu weyni uu yahay in mar kaliya loo gudbo qabanqaabada doorashada aakhirka sanadkan, waxaana iska cad in guddiyada iyo Dastuurka KMG howshoodu u gudbi doonto dowladda cusub ee la sugayo aakhirka sanadkan.
Qodobadda heshiiska la saxiixay ugu khatarsan waxaa ka mida in Puntland loo ogolaado inay heshiisyo caalami ah geli karto iyo in Beesha caalamka ay si toos ah ula macaamileyso Puntland, kuwaas oo aan suuragal ka ahayn inay ogolaado dowlad dhexe, isla markaana ka weyn awoodda maamul goboleed.
Puntland ayaa diidmadii 4.5 ku bedelatay heshiis ay caddahay inuusan fuleynin, lana joogin waqtigii uu fulin lahaa, laakiin waxa kaliya ee ay ka faa’iiday ayaa ahaa inay muujisay awood siyaasadeed oo ah inay diidi karto, kana hor imaan karto rabitaanka dowladda Muqdisho iyo maamulada kale, taasoo ahayd caado qaangaar ah oo Garowe laga aaminsan yahay diidmada wixii Muqdisho ka yimaada.
Goobjooge.com