Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee uu shaqada uga eryo shaqaale ka tirsan kuwa rayidka ah xukuumadda Soomaaliya.
Xilii uu Ra’iisal wasaaruhu booqday xarunta Wasaaradad Beeraha oo ka mid ahayd dhowr wasaaradood oo uu shalay booqday ayuu amar ku bixiyay in Wasaaradda Beeraha inuu shaqada ka eryay 12 ka mida shaqaalaha wasaaradda oo loo sheegay inay cududaar la’aan muddo dheer shaqada soo xaadirin.
Amarka shaqo ka ruqseynta shaqaalahan ka tirsan wasaaradda Beeraha ayaa dhaliyay muran sharciyeed oo ku saabsan qaabka loo maray shaqo ka eryidda shaqaalaha oo xitaa aan loo qoondeyn xuquuqdii ay hore u lahaayeen.
Tallaabadan uu qaaday Ra’iisal wasaaraha ayaa ku soo beegantay xilli Wasaaaradda Shaqadaoo loo xil saaray tirakoobka shaqaalaha dowladda ay ku dhex jirto diyaarinta warbxixin ku saabsan shaqaalaha dowladda oo la sheegay inay ku dhow yihiin 5000. Waxaana dib loogu celiyay warbixin ay hordhigtay Golaha Wasiirada iyadoo faahfaahin dheeraad ah laga codsaday.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda ayaa awood u leh inuu shaqada ka saaro shaqaalaha dowladda, laakiin waxaa jira nidaam loo maro, taasoo Ra’iisal wasaaruhu ka hordhacay kadib markii warbixin laga siiyay in shaqaalaha uu amray in la eryo.
Goobjooge.com