Dadweynaha ku nool degamada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay Dabley lagu tuhunsan yahay Alshabaab oo la sheegay inuu damacsanaa fulinta weerar qorsheysan.
Ninka la qabtay oo magaciisa ku sheegay Maxamed Farxaan Bashiir ayaa ahaa Darawal Mooto Bajaaj, waxaana isaga iyo Raggii la socday ay damacsanayeen in ay weeraraan Saldhiga degmada Kaaraan, balse waxaa ka hortegay Shacabka Degmada Kaaraan oo dagaal la galay.
Dabley kale ayaa ku geeriyooday iska hor imaad ay kooxdan la galeen ciidamada Amniga, sida uu sheegay Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Col. Sadiiq Doodishe.
Shacabka Degamada Kaaran waa markii labaad ee ay Nolosha ku qabtaan xubno ka mida Alshabaab oo weerraro fulinaya, taasoo ka mida iska caabinta sii kordheysa ee dadweynaha Muqdisho.

