Qarax is-miidaamin aha ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsadaya Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage xilli uu marayey agagarka Isbitaalka Xoogga ee u dhow isgoyska Trebunka.
Is-miidaamiyaha ayaa waday Gaari noociisu yahay NISSAN SURF, wuxuuna dabagal ku sameeyay Kolonyada la socotay Taliye Odowaa, taasoo keenay inay ka shakiyaan ciidamadii ilaalada ahaa oo rasaas digniin ku riday, markii uu joogsan waayey, iskuna dayey inuu dhex galo Kolonyada ayey rasaas ku fureen ciidamada, waxaana isma markiiba qarxay Gaariga oo goobta ku bas beelay.
Taliye Odowaa Raage ayaa ka badbaaday qaraxaasi oo burbur u geystay goobtii uu ka dhacay iyo qaar ka mida Gaadiidkii la socday Taliyaha, waxaana la sheegay inuu qof shacab ah ku dhintay, in ka badan 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Ilaalada taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa qaaday tallaabo ay uga hortageen Qaraxa is-miidaaminta ahaa ee looga dan lahaa in lagu khaarijiyo Jeneraalka.
Ciidamada ayaa rasaas ku kala eryay saxafiyiin iyo dadweyne goobta tegay, waxaana goobta lagu arkay gaadiid kala duwan iyo dhismooyin burbur xoog leh kasoo gaaray qaraxa.