Alshabaab ayaa maamuusha xabsiyo kala nooc ah oo dadka siyaabo kala duwan loogu ciqaabo, waxaana xabsiyadan la aasaay sanadkii 2008, waxaana ku dhintay dad badan oo xabsiyadaasi lagu ciqaabay.
Xabsiyada Alshabaab waxaa maamusha koox sirdoon ah oo Alshabaab ay leedahay, waxaana dadka lagu ciqaabay ka mida Ajaaniib Alshabaab ka mid noqotay, waxaana Alshabaab dhexdiisa ka jirta is-basaasid la is jaajuuso.
Barnaamijka Xogta Xagjirka ee Warbaahinta dowladda laga baahiyey ayaa lagu faaqiday xabsiyada Alshabaab iyo sida maxaabiista loogula dhaqmo, taasoo keenta in qof aan dembi lahayn uu qirto denbiga lagu eedeeyay, waxayka xasbiyadaasi kala yihiin: Xabsi Dhexe, Xabsi Amni, Xabsi Jeysh.

HOOS KA DAAWO