Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulankii ugu horeeyay la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida iyo Laamaha Amniga Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa la sheegay inuu ahaa is-barasho iyo warbixin Ra’iisal wasaaraha ka dhageystay taliyeyaasha ciidamada, waxaana goobta ka xaadiray Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage, iyadoo ay ka maqnaayeen taliyeyaasha Booliska, NISA iyo Asluubta oo qaarkood ku xigeeno u joogeen shirka, waxaa kaloo ku sugnaa taliyaha Booliska G/Banaadir Saadaq John iyo xubno ka socday Madaxtooyada.
Wasiiru dowlaha xilka sii haya ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa saxaafadda u sheegay in shirku uu ahaa isbuuclaha arrimaha amniga oo Ra’iisal wasaaraha looga warbxiyey dib u habeynta ciidamada, Amniga caasimadda iyo howlgallo ka socdo Gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.
Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa inuu sii wadi doono dib habeynta ciidamada iyo shaqadii ay qabatay xukuumadii hore, lana xoojin doono arrimaha amniga.





