Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Dahir Cusmaan oo lagu wargeliyay inuu ku jiro Liiska wafdiga Madaxweynaha ee aadaya Masar ayaa laga reebay safarka.
Wafdiga madaxweynaha ee tagay Masar ayaa ka koobnaa 23 xubnood, laakiin waxaa isbedel lagu sameeyay liiska xubnaha wafdiga oo markii dambe laga saaray Wasiirka oo lagu bedelay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo taliyaha ciidamada Booliska.
Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Villa Somalia C/risaaq Axmed Shoole ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay tallaabada looga reebay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare C/raxmaan Dahir Cusmaan wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee 21-kii bishan booqashada rasmiga ah ku tagay dalka Masar.
C/risaaq Shoole ayaa ku andacooday in la sameeyay isku dheeli tir xubnaha safarka aadaya, isla markaana liiskii hore wax laga bedelay, iyadoo qaabka wafuuda u baxayaan lagu saleeyay habka awood qeybsiga ee 4.5.
Liiska Wafdiga oo todobaadyo ka hor loo diray Madaxtooyada Masar, ayaa wax laga bedelay, waxaa markii hore ku jiray Taliyaha Booliska oo wafdigii Madaxweynaha u raacay Masar ku jirin markii dambe, iyadoo la eegayay habka awood qeybsiga, maadaama Taliyaha Booliska iyo Agaasime kuxigeenka ay isku heyb yihiin.
Sidoo kale Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad iyo Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa dib looga daray Liiska, maadaama waxyaabaha dowladda Masar lagala hadlayay ay qeyb ka aheyd arrimaha duulista iyo socdaalka.
AKHRISO LIISKII HORE EE LA BEDELAY
AKHRISO: Liiska magacyada xubnaha madaxweyne Farmaajo ku wehliya safarka Masar