Friday, April 19, 2024

Sidee xilka looga Qaadi karaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jawaari..? [Akhriso Dastuurka]

Kadib mooshin lama filaan ah oo ay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ka diyaariyeen guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa soo baxaya suuragalnimada in mooshinkaasi meel maro.

Dastuurka KMG ah ayaa qaba in guddoomiyaha kalsooni kala noqoshadiisa ay soo jeedin karaan 3/1 (saddex ka meel hal) tirada xildhibaanada Baarlamaanka (92), isla markaana ay xilka ka qaadi karaan 3/2 (sadddex ka meel laba) tirada xildhibaannada Baarlamaanka (184).

Arrintan ayaa micnaheedu yahay in aysan sahlaneyn sida xilka looga qaadi karo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu la mid yahay madaxweynaha, waxaana laga digayaa haddiiba ay dhacdo in mooshinkan hirgalo in sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ay galaafan doonaan mooshino kale.

Ad

HOOS KA AKHRISO QODOBKA 65-AAD EE DASTUURKA KMG AH

Qodobka 65aad. Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka

(1) Golaha Shacabka, fadhigiisa koowaad oo uu guddoominayo qofka ugu da’da weyn, waa inuu iska dhex doorto Guddoomiye iyo laba (2) Ku-Xigeen.

(2) Haddii ay dhacdo waqtiyada qaar in ay maqanaadaan Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisu, Goluhu waa in uu mid ka mid ah xubnihiisa u doortaa in uu noqdo shir-gudoomiye ku- meel-gaar ah.

- Advertisement -

(3) Guddoomiyuhu inta uusan qaban xilka waa in uu ka tanaasulo xil kasta oo uu ka hayo xisbi siyaasadeed, waana in uu noqdo dhexdhexaad marka uu gudanayo/gudaneyso xilalkiisa/xilalkeeda.

(4) Guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka ee Federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha Golaha Shacabka Federaalka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON