Wednesday, June 25, 2025

Sii-hayaha Agaasimaha NISA oo isu bedelay musharax u taagan xilka Agaasimaha Hay’adda [Daawo Bandhiggiisa]

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa habeenkii  8-da Janaayo 2018 u dabaadegtay sanadguuradii 48-aad ee aasaaskeeda.

Xaflad  lagu qabtay taliska dhexe  Hay’adda NISA ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen madaxda ay ka mid yihiin  Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya  Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Xasan Cali Kheyre, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, taliyeyaashii hore ee NISA iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay ayaan saxaafadda loo bandhigin waxaana warka la shaaciyay 48 saacadood kadib xafladda.

Waxaa xusid mudan in ku-simaha Taliyaha ahna taliye ku xigeenka NISA C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo si weyn isugu soo bandhigay xafladda sanadguurada 48-aad ee NISA, wuxuuna si weyn uga dhex muuqday warkii ay baahisay warbaahina Qaranka ee xuska ku saabsnaa oo isaga dartiis loo diyaariyey.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac oo hore u ahaa xoghayaha safaaradda Soomaalida ee Turkiga intii aan loo magacaabin ku xigeenka NISA, ayaa isku shaadheyn kale ku noqday kusimaha NISA, waxaana la ogyahay inuu hadda yahay musharax u taagan inuu noqdo agaasimaha NISA, iyadoo ololihiisa uu ka dhex muuqdo warbaahinta dowlada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON