Siyaasiga Maxamuud Dirir oo ka mida siyaasiyiinta Soomaalida Itoobiya oo xilal kala duwan kasoo qabtay dalka Itoobiya ayaa ahaa dhexdhexaadiyihii Golaha Milateriga Suudaan iyo Isbaheysiga mucaaradka oo ugu danbeyn heshiis kala saxiixday.
Siyaasigan oo kasoo shaqeeyay heshiiskaas Suudaan ayaa soo jiitay dadka, kadib markii uu ku ilmeeyay khudbad uu ka jeediyey xafladii lagu saxiixay heshiiska dhinacyada Suudaan, waxaana Maxamuud Dirir oo hadda ah Danjiraha Dowladda Itoobiya u fadhiya dalka Suudaan uu dalka Suudaan ugu duceeyay inay ka gudbaan khilaafka oo ay helaan dowlad guuleysata.
Muuqaalka Danjire Maxamuud Dirir oo la ilmeynaya heshiiska dhinacyada Suudaan ayaa si weyn loogu baahiyey baraha bulshada, iyadoo mas’uuliyiinta reer Suudaan ay si weyn ugu sacab tumeen qiiradiisa iyo jaceylka uu u qabo dalka Suudaan.
Danjire Maxamuud Dirir ayaa hore uga soo noqday Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska dowladda Federaalka ah ee Itoobiya.
HOOS KA DAAWO