Hoggaamiyaha Xisibiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maanta lagu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareb ee xarunta maamulka Galmudug.
Ujeedka socdaalka siyaasiga oo ka mida mucaaradka ugu weyn dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay inay tahay kulamo uu la yeelanayo mas’uuliyiinta iyo shacabka Galmudug, wuxuuna ka mahad celiyay sida Dhuusamareeb loogu soo dhoweeyay.
C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in inuu ku wajahan yahay magaalada Garowe ee Puntland, halkaasoo uu ka hadaljeedin ku qaban xarunta PDRC.
La oga in tegistiisa Garowe ay qeyb ka noqon doono la kulanka madaxda dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo shir uga socdo magaalada Garowe, kaasoo ku saabsan khilaafka ka taagan Doorashada dalka 2020/2021.
