Siyaasiga Soomaalida Kenya ee hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka dalkaasi Faarax Macalin ayaa ka digay heshiiska Itoobiya la galeyso jabhadda ONLF ee Soomaali Galbeed, kana socda magaalada Nairobi.

Faarax Macalin ayaa sheegay in heshiisay Itoobiya ka raadineyso ONLF xilligan uu yahay mid ay ku dooneyso inay dan gaara ku gaarto si culeyska uga heysta qowmiyadaha kale ay ugu jeesato, wuxuuna ka digay inuu mari doono halkii ay mareen heshiisyadii hore.