Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray siyaasiyiin ku dhawaaqay urur la baxay Madasha Samata bixinta Puntland.
Siyaasiyiinttan ayaa ka hor yimid siyaasadda maamulka Puntland ku socdo iyagoo dhaliilay madaxweyne Gaas iyo sida uu ku hoggaamiyo Puntland, isla markaana cambaareeyay shirkii madaxda maamul Goboleedayda ee dhowaan lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Siyaasiyiin oo hore xilal uga soo qabtay maamulka Puntland, waxay kala yihiin: C/raxmaan Siciid Dhegaweyne oo hore u soo noqday Wasiir iyo Agaasime, Daahir Ciiro oo hor u ahaa xildhibaan , Duni Maxamed Guulato iyo Feysal Faarax Cali.
Maamulka Gobolka Nugaal wuxuu sheegay in ragan ay xireen Guddiga Nabadgelyada ee Gobolka Nugaal, ayna ku eedaysanyihiin Khalkhalgelin Amniga iyo Xasiloonida Puntland.