Olole ay wadaan siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hor yimid qorshaha musharaxnimada Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Ololahan waxaa hogaaminaya xildhibaanno horem kuwo cusub iyo siyaasiyiin ka soo horjeeda Shariif Xasan, waxayna si cad u sheegeen inay taagerayaan musharaxnimada guddomiyaha Baarlamaanka ee Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).
Xildhibaanadii lagu dooran waayay magaalada Baydhaba ee dhibaatooyika kala kulmay doorashadii Aqalka hoose, xildhibaano la doortay oo Shariif Xasan ka horjeeda, siyaasiyiin iyo xubno ay ka mid yihiin Aadan Saransoor, Khaalid Cumar Cali iyo xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla ayaa ka mid ahaa xubno magaalada Muqdisho ku shiray oo Shariifka ku eedeeyay inuusan waxba u qaban dadka Koonfur Galbeed, maamulkiisuna uu dhaafi waayay magaalada Baydhaba.
Qorshaha Shariif Xasan ee ah in Guddoomiye Baarlamaan uu noqdo siyaasiga C/rashiid Xiddig, si isagu ugu tartamo xilka madaxweynaha ayaa weli xowli ku socda, waxaana xubnaha qorshaha ka hor yimid ay u muuqdaan inay yihiin kuwo aad u yar oo aan waxba ka bedeli karin.
Goobjooge.com