Sunday, June 22, 2025

Siyaasiyiin taageersan Axmed Madoobe oo ka hadlay Garbahaarey, kana digay isku dhac Gobolka Gedo..

Siyaasiyiin taageersan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka digay inuu isku dhac ka yimaado go’aan maamulka Gobolka Gedo ee hoostaga dowladda Federaalka ku mamnuucay inay Gobolkaasi tagaan madaxda maamulka Jubbaland.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimu) oo maanta magaalada Garbahaarey kula hadlay Warbaahinta ayaa ka digay in dib loosoo celiyo khilaafaadka siyaasadeed ee Gobolka Gedo, isagoo sheegay in Gobolkaasi uu mar dhow ka baxay khilaaf iyo go’doon ay gelisay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu il gaara ku eego waxa ka socda Gobolka gaar ahaan Magaalada caasimadda ee Garbahaarey, isagoo meesha ka saaray in magaalada loo diidi karo madaxda Jubballand oo sharci ahaan ay hoostagto sida uu yiri.

Ad

“Gobolka Gedo wuxuu hoos tagaa Dowlad Goboleedka Jubbaland, nin diidan & nin ogolba waxaa madaxweyne u ah Axmed Madoobe, haddii sharciyadda lagu dhaqmi waayo meel xun ayay arrintu tageysaa” ayuu yiri Cismaan Macalimuu oo ku dooday in magaalada lagu dhaqayo heshiiska Doorashada ee uu hoggaaminayo RW Rooble.

Isagoo ka hadlayay xilligii uu lasoo shaqeeyay dowladda Federaalka ayuu caddeeyay in Gobolka dhibaato badan la geliyey. “Rag aan aniga ku jiro ayaa si sharci darro ah naloogu leexiyey dowladda Federaalka, halkii sanno aan ka shaqeeyay wax mashaariic ah Gobolka ma helin, Gobolkaan dib ayuu mar u dhacay laakiin hadda alle ayaa ka saaray” ayuu yiri Cismaan Nuur Xaaji.

Dhowaan ayey ahyad markii Guddoomiyaha Gedo ee hoos taga madaxtooyada Soomaaliya Axmed Buulle Garaad oo uu sheegay in aanay Garbahaarey tagi Karin mas’uuliyiinta Jubbaland, sidaasina uu qorayo Heshiiskii Doorashada 17-kii September 2020 sida uu yiri.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON