Monday, July 14, 2025

Siyaasiyiin & Xildhibaano ka cararay Muqdisho oo Madal cusub uga dhawaaqay Nairobi

Qaar ka mida siyaasiyiinta xisbiyada, musharaxiin isu soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya 2016

iyo xildhibaano sheegay inay magaalada Muqdisho uga carareen markii laga hor istaagay inay ku shiraan hoteelada Muqdisho ayaa war ka soo saaray shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirka waxaa ka dhex muuqday  xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil, Musharax Cali Xaaji Warsame, Kamaal Guulaatee,  Canab Maxamed Diiriye oo sheegtay in ay taagan tahahay doorashadda madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale.

Waxay ka hadleen xaaladda dalka, arrimaha doorashada iyo dowladda Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay diidan tahay inay shirarkooda ku qabsadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xubnahan ayaa ku dooday in dowladda Soomaaliya ay ciidamo Nabadsugid ah dul geysay goobihii ay ku shiri lahaayeen ee Muqdisho taasna ay keentay in ay Nairobi u soo cararaan.

Guddiga doorashada ay  sheegeen inuu yahay guddi aan madax bannaaneyn, iyagoo ku baaqay in isbedel lagu smeeyo Guddiga, waxay kaloo ku baaqeeen  hannaanka doorashadda u dhaceyso in ay noqoto mid xalaal ah oo leh hufnaan iyo kalsooni.

Siyaasyinta iyo xubnahan waxay ku dhawaaqeeen madal la magac baxday Madasha Muwaadinka Isbaddal-doonka, taasoo la sheegay in ujeedkeedu yahay taageeridda qofka hufan oo qaban kara hogaanka dalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON