Siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta kasoo jeeda Galmudug ayaa weerar ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib markii uu xalay soo saaray darajo iyo xuquuq ka xayuubinta Jen. Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Bukhaari ayaa sheegay inuusan Maxamed Farmaajo awood u lahayn darajo ka xayuubin sarkaal xitaa haddii uu madaxweyne sharci ah yahay, wuxuuna qoraal dheer ku faahfaahiyey sharciga loo maro Darajo-ka xayuubinta saraakiisha oo ah sida soo socota:.
Saraakiisha (General ilaa Xiddigle) Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxaa tallaabo anshax marin ah oo culus looga qaadi si waafaqsan Qodobka 53aad ee Xeerka Boliiska Soomaaliyeed, Xeer Lr.14 ee 4 Jannaayo 1973:
1. Taliyaha Ciidanka Boliiska waa in uu magacaabaa guddi anshax oo baara kiiska sarkaalka (waxaa ku jirto in sarkaalka la dhageysto) kana soo talo bixiya tallaabada laga qaadi karo.
2. Guddiga waa in uu ku jira ugu yaraan hal sarkaal sare iyo saraakiil kale.
3. Tallaabada ay soo jeediyaan ayaa loo gudbinayaa Madaxweynaha si uu ugu soo saaro Xeer Madaxweyne. Haddii tallaabadaasi ay tahay ka-saarista Ciidanka, waa in uu soo jeediyaa Wasiirka Amniga Gudaha.
4. Hannaankaanka anshax-marinta ma keenayo in xubin weydo xuquuqdii liiltir ay xaqa u lahayd.Haddii xubinta la maxkamadeeyo laguna helo dembiga, markaas ayaa laga hadli karaa in ay lumisay xuquuqdeeda liiltir iyo in kale.
“Gebogebadii sharcigu kama qaadin Gen. Saadiq Cumar darajadiisii ciidan iyo xuquuqdiisii liiltir. FG: ka sokow habraacaas sharci oo la garab maray, waxaa haddana jirta in madaxweynaha ku xusan habraacas uu yahay madaxweyne xilkiisu dhaqangal yahay oo uusan dhammaanin mudo xileedkiisu sida madaxweyne-hore Maxamed Farmajo” ayuu yiri Abshir Bukhaari.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa Farmaajo ku eedeeyay sharci darro, isagoo ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii la isaga celin lahaa. “Farmaajo caawa wuxuu sheegay in uu Darajadii Ciidanka ka xayuubiyay Taliyihii Booliska Gobalka Banaadir Gen Saadaq Joon.Sida ku cad Xeerka Ciqaabta Ciidamada Qalabka Sida qodobada 21aad, 22aad, 23aad iyo 24aad Sharci Lr.2 ee soo baxay 1963 waxaa sarkaal derajo ka qaadis ciidan, shaqo ka joojin ama laalid derajada lagu sameyn karaa marka maxkamadda ciidamada qalabka-sida ay ku caddeeyso danbi, xukunna ku dhaco”. ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

La-taliyaha Madaxweynaha Galmudug Kamaal Daahir Guutaale ayaa tallaabada uu qaaday Maxamed Farmaajo sabab uga dhigay muddo kororsiga uu sameystay oo ah musiibo dalka ku habsatay; wuxuuna yiri: “Markii la lahaa awoodaha madaxweynaha hala dhimo maadaama muddada xil-heyntu ka dhamaatay, waxaa laga hadlayay madaxweynuhu inuusan qaadan go’aamada nuucaan ah oo aargoosiga ku saleysan!! Muddo kororsigu waa masiibo Dalka ku habsatay, waxa uu burburinayaa nidaamka dastuuriga ah, NABADDA yartaa oo la heysto ayuu baabi’inayaa – wuxuuna Dalka gelinayaa colaad iyo dagaal sokeeye!!”.
Xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa dhinaciisa ku dooday in Farmaajo aanu sharciyadba uheysan uu wax ku magacaabo ama xilka uga qaado, wuxuuna farriintiisa ku yiri: “Xay ku nuugtaa maxayse ka nuugtaa aan maqli jiray, Farmaajo wax xil ah dalkaan uma haayo sharci darro ayuu ku joogaa, darajo uu bixiyay 8 Febaraayo kadib iyo mid uu qaaday midna sharci ma ahan. Waxay ku biirayaan liiska xadgudubyada uu geysanaayo oo u qormaya. Generaal Sadaq Cumar quluubta dadka Soomaliyeed ayuu Jenaraal iyo ka badanba ku yahay”