Sunday, July 6, 2025

Siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi oo ku baaqay shirweyne Qaran iyo inaan loo dhammeyn shirka Dhusamareb 4

Syaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi (Somaliland) ee uu hoggaamiyo gCabdi Xaashi C/llaahi ayaa shaaciyey in shirka Dhuusamareeb 4 uu yahay shir aan loo dhammeyn, kadib markii lagu casuumi waayey Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu guddoomiyaha Aqalka Sare u sheegay inaan lagu casuumin shika Dhuusamareeb, kana qeybgeli karin, markii uu dalbaday inuu tago Dhuusamareeb.

Cabdi Xaashi oo shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu aqoonsaneyn Aqalka Sare, isla markaana aanu aqoonsanyn nidaamka federaalka ee Soomaaliya qaadato, dhibaatadda jirtana ay tahay iyadoo madaxweynaha aanu fahamsaneyn inay Somaliland ka maqan tahay.

Baaq ay soo saareen siyaasiyiinta, xildhibaanada labada Aqal iyo Guddoomiyaha Aqalka sare ee kasoo jeeda Somaliland ayey ku baaqeen in la isugu yimaado shirweyne looga hadlo xaalada dalka, mar haddii shirka Dhuusamareeb aan loo dhammeyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON