Tuesday, July 15, 2025

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo Beesha Caalamka u gudbiyay Dacwad xilka looga qaadayo Xasan Sheekh [SAWIRRO]

Siyaasiyiinta xisbiyada iyo musharixiinta madaxweyne ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen qaar ka mida wakiilo k socday dalalka Ingiriisks, Talyaaniga, Midowga Yurub, Q/Midoobay iyo Midowga Afrika waxay siyaasiyiinta musharixiinta ah dacwo ka geeyeen madaxweyne Xasan Sheekh iyagoo soo jeediyay qodobadda kala ah:

  1. Inaan Xasan Sheekh  lagu qaabilin sida madaxweyne xil haya.
  2. Inuu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Jawaari
  3. In la hakiyo shirka Jowhar

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu jawaab kulul u diray siyaasiyiinta wax ka sheega dowlada iyo dalka, uguna baaqay inay naftooda nadiifiyaan. (Dhageyso codka Xasan Sheekh).

Siyaasiyiinta iyo musharixiinta shirkan joogay waxaa ka mida ahaa:

  • Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  • C/raxmaan Baadiyow
  • Axmed Macalin Fiqi
  • C/weli Sheekh
  • Salaad Cali Jeelle
  • C/raxmaan C/shakuur
  • C/qaadir Barnaamij
  • Cali Xaaji Xersi
  • & xubno kale

Dacwad tan la mida ayay hore ugu gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka oo aan weli go’aan ka gaarin, waxaana tallaabadan loo arkaa mid iyaga ku soo laabaneysa mar haddii ay hore u eedeynayaan Xasan Sheekh inuu ka amar qaato Beesha caalamka haddana ay iyagii arrimaha gudaha ee dalka u dacwoonayaan Wakiilada Beesha caalamka qaarkood.

mucaaradmucaarad1mucaarad2mucaarad3mucaarad4

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON