Friday, June 27, 2025

Siyaasiyiinta Puntland oo War kulul ka soo saaray booqashada Ra’iisal wasaare Kheyre ee Puntland [Akhriso]

Siyaasiyiinta Puntland oo qaarkood ay yihiin musharixiin u taagan xilka madaxweynaha maamulkaasi, horena xilal wasiirnimo uga soo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa cambaareeyay  safarka Ra’isul Wasaare Kheyre ee Puntaland, iyagoo ku heysta inuu ka baaqsaday dhagax dhigista dekadda Garacad ee Gobolka Mudug.

Siyaasiyiinta oo isku dayaya inay siyaasadeeyaan socdaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa uga faa’iideysanaya inay ku cambaareeyaan maamulka uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland C/weli oo xiisad siyaasadeed kala dhaxeyso.

Warka ayaa lagu sheegay in safarka wasiirka koowaaad ee xukuumadda inuu dhaliyay niyad xumo shacab, wuxuna u qornaa sidatan:

1 Waxaa xusid mudan sidii qiimaha badneyd iyo hab-mamuuskii aan kala harka lahayn ee RW Xassan Kheyre loogu soo dhoweeyey Caasimadda Puntland ee Garoowe iyo magaaladda Qardho, taasoo muujineysay xushmadda reer Puntland u hayaan dowladnimada Soomaaliyeed iyo madaxda dalka ee heer Qaran, hase yeeshee ay bedelkeedii hungo ku mutaysteen.

2 Waxay Puntland Focus Group aad iyo aad uga xunyahay in Raysal Wasaare Xassan Khayre oo booqasho rasmi ah ku jooga Puntland uu diido ka qayb-galka iyo dhagax-dhigga mashruuca Dekedda Garacad oo ah dadaal reer Puntland si iskutashi ah u wadeen muddo dheer.

3 Waxay artintani su’aal weyn gelinaysaa xiriirka iyo niyadsamida Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland iyo shacabka reer Puntland ka dhexeeya.

4 Waxaan aad uga xunahay niyad xumadda weyn ee ay arintani ku ridey shacabka reer Puntland.

5 Puntland Focus Group waxaa ay aad iyo aad uga xuntahay in Madaxweynaha Dawladda Puntland awoodi waayey, kuna guul daraystay, in uu ku qanciso RW Xassan Khayre in uu dhagax dhigo Dekadda Gara’cad.

6 Waxaan shacabka reer Puntland ugu baaqeynaa midnimo, isku duubni iyo isku tashi.

Xubnaha siyaasiyiinta waxay kala yihiin:

Cabdi Faarax Saciid (Juxaa)
Cabdirisaaq Cabdulahi Jaamac (Janagale)
Cali Xaaji Warsame
Faarax Cali Shire
Jamiila Saciid Muuse
Xaji Maxamed Yaasin Ismaaciil
Ciise Maxamud Faarax (Dhollowaa)
Khalif Ciise Mudan
Maxamud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
Saciid Cabdullahi Deni
Dr. Maxamed Salaad Qoryooley

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON