Monday, June 23, 2025

Somalilan oo Ergay gaara u magacowday Wadahadalka Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ergey gaara u magacaabay wadahadaladda maamulkiisu kula jiro dowladda Soomaaliya.

Adna Aadan Ismaaciil oo ah haweeney caan ka ah degaanada Somaliland ayaa loo magacaabay ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadalladaSomaliland iyo Dawladda Soomaaliya.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA SIILAANYO

Ad

MADAXWEYNUHU:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Ku Qancay: Mudnaanta uu Qaranka u leeyahay Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya;
Markuu Arkay: Ahmiyadda ay leedahay in Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysaa taban-taabiso wada-hadalka u dhexeeya labada dal;
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo mas’uul aqoon u leh xidhiidhka Jimciyadda Quruumaha Ka-dhaxaysa
Markuu Arkay: Qoraalka soo jeedinta ah ee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah;
Markuu Ku Qancay: In ay leedahay waaya-aragnimada, aqoonta iyo kartida looga baahan yahay mas’uulka xilkan gudan kara;
Wuxuu go’aansaday
In Marwo, Adna Aadan Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya, waxaanay la shaqayn doontaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON