Friday, April 19, 2024

Nin ku eedeysan inuu yahay Madaxa Alshabaab ee Gaalkacyo iyo xubno kale oo la qabtay

Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaxii Alshabaab ee degaanada Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo gacanta lagu dhigay.

Ciidamo wadajir ah oo ka tirsan maamulka Puntland iyo Galmudug ayaa la sheegay inay qabteen C/risaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool Geel) oo loo yaqiin Ilka-case, madixii howlgallada Alshabaab ee Gaalkacyo iyo afar kale oo la socotay.

Ninkan oo degaankaasi caan ka ahaa ayaa hore Puntland ugu xukuntay dil toogasho ah, waxaana lagu daayay cafis madxweyne, markii la sheegay in wax denbi ah aanu lahayn, isagoo markaas  kadib caddeeyay inuusan ka tirsneyn kooxda Alshabaab.

Ad

Ninkan ayaa loo heystaa dilal iyo weerarro ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee gobolka Mudug, kuwaaso mas’uuliyiin iyo dad kale oo muhiim u ah ay ku dhinteen.

 

Howlgalka ay labada ciidan iska kaashadeen ayaa ka dhacay dhulka miyiga ee duleedka magaalada Gaalkacyo, waxaana la filayaa inuu war kasoo saaro maamulka Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON